Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Xasan Macalin Axmed biikole iyo Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyada Degmada baydhabo Dr Yusuf bare Maxamed Ayaa Maanta Kormeeray Wadooyinka Haatan ku socda Dhismooyinka ee 10ka Xaafadood ee Degmada baydhabo,
Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Ayaa Amar ku Bixiyey In La Dumiyo Guryaha Sharcirada ah ee Soo Galaya Waddooyinka uu dhismaha ku socdo.
Gudoomiyaha Awaamir iyo Baaq u Diray Gudoomiyaasha 10,ka Xaafadood ee Baydhabo kaas oo ah in Talaabo Sharci ah Ay ku Qadaan,
Maamulka Cusub eeDegmada Baydhabo ayaa dadaal Ku bixinaya sidii Loo Heli lahaa Wadooyin Fiican oo ay Dadwaynaha iyo Gaadiidleydaba ku Adeegan karaan.














