Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Kusimaha Safiirka dalka Libya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Nasar Maxamed Alsanuusi, oo booqasho sharafeed ku yimid caasimadda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo dardargelinta heshiisyadii is-afgarad ee horey u dhexmaray Duqa Muqdisho iyo dhiggiisa magaalada Tripoli ee caasimadda Libya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta adeegyada bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo is-weydaarsiga khibradaha maamulka caasimadaha.
Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda Libya kaalinta ay mar walba ka qaadato taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in labada shacab ay wadaagaan khibrado la xiriira duruufaha colaadaha, taas oo muhiim ka dhigeysa in la abuuro jawi iskaashi iyo khibrad-isdhaafsi wax ku ool ah.
Dhankiisa, Danjire Nasar Maxamed Alsanuusi ayaa ballanqaaday inuu si joogto ah uga shaqeyn doono dardargelinta xiriirka labada dal, isagoo soo jeediyay in la xoojiyo is-dhaafsiga booqashooyinka iyo kulamada ka dhexeeya labada caasimadood si loo hormariyo danaha wadajirka ah ee horumarineed.














