Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir muhiim ah isugu yeeray masuuliyiinta maamulka iyo shirkadda nadaafadda IFI, si loo qiimeeyo xaaladda nadaafadeed ee magaalada Muqdisho iyo hannaanka shaqo ee ku saleysan heshiiska wada-shaqeyn ee u dhexeeya maamulka gobolka iyo shirkaddaasi.
Kulanka oo ka dhacay xarunta maamulka gobolka ayaa waxaa si gaar ah loogu lafaguray caqabadaha ka jira nadaafadda magaalada, heerka ay gaarsiisan tahay howlgalka shirkadda IFI tan iyo markii ay bilaabatay hawlgalkeeda, iyo sidoo kale cabashooyinka soo noqnoqday ee ka imanaya shacabka ku nool caasimadda. Masuuliyiinta shirkadda IFI ayaa ka hor akhriyay warbixin faahfaahsan oo ay ku xuseen qaabka ay u wajahayaan hawlaha qashinka qaadista, qorshayaasha ay hirgaliyeen, iyo sidoo kale duruufaha ay la tacaalayaan oo sababay in adeegyada nadaafadda uusan u socon si waafaqsan heerka la rabay.
Intii uu kulanka socday, waxaa la galay dood furan oo qoto dheer, iyadoo guddoomiyaha gobolka uu si toos ah su’aalo uga weydiiyay madaxda shirkadda IFI sababaha keenay gaabiska ballaaran ee muuqda, gaar ahaan xaafadaha qaar oo ay ku baahday nadaafad-darro halis ku ah caafimaadka dadweynaha. Waxa uu tilmaamay in maamulka gobolka uu si gaar ah uga walaacsan yahay xaaladaha ay ku sugan yihiin meelaha qaar oo aysan adeegyada shirkaddu gaarsiineynin, taasoo dhaawacaysa sumcadda maamulka isla markaana halis ku ah bulshada.
Guddoomiye Muungaab ayaa xusay in maamulka gobolka Banaadir uu mudnaan gaar ah siiyo hagaajinta adeegyada bulshada, gaar ahaan arrimaha nadaafadda oo uu ku tilmaamay in ay laf-dhabar u tahay badbaadada iyo bilicda caasimadda. Wuxuu hoosta ka xariiqay in la baahan yahay in heshiisyada lala galo shirkadaha adeeg bixiya ay noqdaan kuwa leh isla-xisaabtan iyo daah-furnaan, isagoo ballanqaaday in go’aan dhab ah laga gaari doono hannaanka wada-shaqeynta ee hadda u dhexeeya labada dhinac.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka gobolka, kuwaas oo kala ahaa: Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Agaasimaha Waaxda Nadaafadda, Agaasimaha Xafiiska Duqa Magaalada, iyo madaxda sare ee shirkadda IFI. Dhammaan masuuliyiintaasi ayaa si wadajir ah u dhiibay aragtidooda ku aaddan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka nadaafadeed ee caasimadda haysata.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee maamulka gobolka Banaadir uu ku doonayo in lagu dardargeliyo adeegyadii ugu muhiimsanaa ee shacabka u baahan yihiin, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda la kordhiyo kulamada la xiriira adeegyada dadweynaha si go’aanno wax ku ool ah looga gaaro arrimaha u baahan isbeddel degdeg ah.













