Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa fulisay laba duqeyn oo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxaha Khawaarijta ah ee ISIS-Somalia, kuwaas oo halis weyn ku ah amniga gudaha Soomaaliya iyo danaha saaxiibada caalamiga ah.
Duqeyntii ugu horreysay waxay dhacday 31-kii May 2025, iyadoo lagu beegsaday bartilmaameed ku yaalla 75km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Duqeyntii labaad ayaa dhacday 1-da Juun 2025, meel 72km u jirta magaalada Boosaaso dhanka koonfureed.
Hawlgaladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula dagaallameyso kooxaha xagjirka ah ee Khawaarijta, kuwaas oo dhibaato joogto ah ku haya shacabka Soomaaliyeed, amniga gobolka, iyo xiriirka Soomaaliya la leedahay beesha caalamka. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah waxay ku adkeysanayaan in la sii xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni, iyo horumar waara.














