Duqeyn ka Dhacday Gobolka Mudug iyo Mareykanka oo War kasoo saaray

Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa si cad u sheegtay in ay fulisay duqeyn ka dhacday Deegaanka Qeycad ee Gobolka Mudug laguna garabsiinayay Ciidamada Dowladda Federaalka & Daraawiishta Galmudug.

Afhayeenad u hadashay Waaxda Difaaca Mareykanka Cindi King ayaa sheegtay in duqeyntaas lagu garabsiinayay Ciidanka DANAB oo Tababar gaar ah ka helay saraakiisha Ameerikaanka ah ee dalka ku sugan.

“Duqeynta dhacday Jimcihii waxa ay ahayd lagu fududeynayo howlgallada Ciidamada Soomaalida, Mareykanka waxaa ka go’an la dagaalanka Argagixisada iyo taageerada Ciidamada Soomaaliya” Sidaasi waxaa tiri Afhayeenadda u hadashay Pentagon.

Wargeyska New York Times oo la hadlay Saraakiil Mareykan ah ayaa daabacay in Xukuumadda Washington ay dib boorka uga jafeyso duqeymaha ay ka fuliyo Soomaaliya oo joogsaday 6-Bil kahor kadib markii Donald Trump uu la baxay Ciidankii ka joogay Soomaaliya.

Mareykanka ayaa xoogga saaray howlgalladiisa Soomaaliya, dhawaan waxa uu saldhigtay Ismaamulka Wajeer, ujeedka waxa uu ku sheegay “In uu kahor tagayo khatarta Al-Shabaab ee ka dhanka ah Kenya”.

Joe Biden oo Xafiiska la wareegay 20-kii Janaayo 2021 maalmo kahor markii Madaxweynihii 45-aad ee dalkaas Donald Trump uu Soomaaliya ka saaray Ciidankii ka joogay ayaa haatan qorsheynaya sidii uu dejin lahaa qorshe cusub.