Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidanka Dowladda Mareykanka (AFRICOM) ayaa duqeyn ka gaystay magaalada Saakow ee dhacda gobolka Jabbada Dhexe ee Soomaaliya.
War kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu faah faahiyey duqeyntaas sida ay u dhacdey iyo khasaaraha ka dhashay,waxaana dowladda sheegtay in lagu diley Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.
DFS iyo Ciidamada Dowladda Mareykan ee AFRICOM ayaa qaadaya tallaabooyin dheeri oo ay uga hortagayaan waxyeellada shacabka marka lala dirirayo Al-shabaab iyada oo si buuxda loo baarayo eedayn walba oo soo baxda. Duqeyntan iyada ah ma jirto cid shacab ah oo wax ku noqotay hubintii la sameeyey.
Duqeyntan waa mid ahmiyad leh maxaa yeelay waxay na tusinaysaa in haweenku ka mid noqon karaan Al-shabaab. Haweenku kuwooda ka shaqeeya shabakadda Amniyaatka ama u fududeeya adeegyada kale waa Al-shabaab.
Dumarka waxaa lagu dirqiyaa inay ku biiraan Al-shabaab iyada oo la cabsigelinayo ama xoog loo sheeganayo si ay u xambaaraan afkaarta Al-shabaab. Soomaaliya iyo bahwadaagteeda way ka go’antahay la dagaalanka Al-shabaab iyada oo aan loo laabayeelayn jinsi, si markaa looga hortago dhimashada dadweynaha aan waxba galabsan ee leh rag, dumar iyo caruurta Soomaaliyeed ba iyo waliba dalalka deriska ah Soomaaliya.
Dadaaladan aynu wadno ayaa looga gol-leeyahay ka hortagga iyo ilaalinta dadka rayidka, waxayna ka geddisantahay weerarada aan loo meeldayin ee ay Al-shabaab ku beegsadaan had iyo jeer meelaha shacabka ku badanyahay ee ku yaalla Soomaaliya ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Qoraalka dowladda ayaa lagu sheegay in Duqeyntan iyo iskacaabintii ay sameeyeen Ciidanka Xoogga Dalka , ciidanka daraawiishta iyo ciidanka Danab ee ku sugan magaalada Sabiid ayaa waxay calaamad u tahay sida muwaadiniinta Soomaaliyeed, DFS iyo bahwadaagtooda Soomaaliyeed ay u meelmarinayaan caddaalad marinta kuwa dhibaatada ku haaya dalka.














