Duqeyn lagu beegsadey Al-shabaab oo Jubada Hoose ka dhacdey.

Howlgal wadajir ah oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu fuliyay duqeyn cirka ah oo ka dhacday meel ku dhow magaalada Kismaayo, gaar ahaan qiyaastii 40 km waqooyi-galbeed kaga beegan magaaladaas.

Ujeedada duqeyntan ayaa ahayd in lagu beegsado xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab, si loo wiiqo awoodooda qorsheynta iyo fulinta weerarada argagixisada ee khatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida, iyo sidoo kale saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelisay AFRICOM howlgalkaasi, waxayna mar kale caddeysay go’aankeeda adag ee ah sii wadidda dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo la adeegsanayo iskaashi buuxa oo lala yeesho shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyo iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha dalka.