Duqeyn lagu beegsadey fariisimo Al-shabaab ay lahaayeen.

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo culus ka fuliyay deegaano ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe, halkaas oo ay saldhigyo iyo xarumo ku lahaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in mid kamid ah duqeymaha uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Basra, halkaas oo lala beegsaday xubno katirsan Al-shabaab oo halkaas ku sugnaa.

Sidoo kale, duqeymo kale ayaa ka dhacay degmooyinka Sablaale, Kuunya Barow iyo Haawey, iyadoo la sheegay in bartilmaameedku ahaa saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab. Duqeymahan ayaa la rumeysan yahay in lagu beegsaday xarumo muhiim u ahaa kooxda, kuwaas oo ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ku qaadaan goobaha shacabka iyo ciidamada.

Ilaa hadda lama caddeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalka, mana jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan tirada khasaaraha, burburka ka dhashay, ama faahfaahinta goobaha si gaar ah loo duqeeyay. Sida caadiga ah, Al-shabaab ayaa badanaa ka gaabsada sheegidda khasaaraha dhabta ah ee ka soo gaara weerarada noocan oo kale ah.

Howlgallada cirka ah ayaa qeyb ka ah dadaallada sii socda ee dowladda federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ku doonayaan in lagu wiiqo awoodda Al-shabaab, si loo xoojiyo amniga guud ee dalka.