Maalmihii aynu soo dhaafnay ayaa waxaa magaalada Baydhabo lagu qabanayey munaasabado kala duwan oo ay qabsanayeen musharaxiinta maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.
waxaa manta gelinkii dambe lagu qabtay Magaalada Baydhabo ee Caasimada ku meelgaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed munaasabad lagu shaacinayey musharaxnimada Eng Saalax Sheekh Cusmaan oo ah musharax u taagan u tartamida kursiga madaxweynaha koonfur Galbeed.
Musharaxa ayaa xilal kala duwan horey uga soo qabtay dowladihii hore ee Soomaliya
Waxaana ay Maanta ka dhacay Hoteelka Kulmiye Beydhabo.














