Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dil loo geystay mid kamid ah Ganacsatada ku nool Magaladaasi.
Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Calanleey ee Magaalada Kismaayo, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in loo geystay Maamulaha Guud ee Shirkadda Xawaalada Amal ee Magaalada Kismaayo, kaas oo lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Shigshigoow.
Rag hubeysan ayaa la sheegay inay dilkaasi ka dambeeyeen, kuwaas oo goobta ka baxsaday,waxaana halka uu dilka ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Jubbaland, kuwaas oo halkaasi ka wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.
wixii faah faahin ah ee kusoo kordha dilkaan kala soco halkaan.














