Faahfaahin kasoo baxaya Qarax ka dhacay Xerada Ciidanka Turkisom

Wararka naga soo gaaraya Saldhiga Ciidanka Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax Ismiidaamin ah ka dhacay Banaanka hore ee Saldhigga.

Sidda Raadiyo beydhabo ay uxaqiijyeen goobjoogayal Qaraxa ayaa waxaa fuliyay ruux isku soo xiray Waxyaabaha Qarxa.

Ciidanka Ammaanka ayaa toogtay ruuxa isqarxiyay oo doonayay in uu dhexgalo dhalinyaro Saf ku jiray oo Leyli Saraakiil loo diyaarinayay.

Ma jirto wax dhimasho ah laakiin waxa jira dhaawacyo soo gaaray Ciidanka Ammaanka iyo Qaar ka mid ah dhalinyaradii tababarka loo qaadayay.