Faahfaahin laga bixiyey dagaal saaka ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay weerarkii xooganaa ee kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen aroortii hore ee maalintii shalay fariisimaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dalka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, kuwaas oo ku sugan deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ciidamada iskaashanaya ay si geesinimo leh uga hortageen weerarka, islamarkaana ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka, iyadoo khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay kooxda weerarka soo qaaday. Qoraalka ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay ugu yaraan 18 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda ay dhankooda waayeen afar askari oo ka mid ahaa ciidanka qaranka.

“Ciidamada Qaranka oo ku jiray heegan buuxa iyo feejignaan sare ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, waxayna ku guuleysteen inay fashiliyaan damaca maleeshiyaadka argagixisada ah iyo isku daygoodii ahaa inay gudaha u galaan deegaanka. Intii uu dagaalku socday, waxaa looga dilay 18 ka mid ah kooxda Khawaarijta,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale ammaan u jeedisay ciidamada qaranka Soomaaliyeed oo ay ku tilmaantay kuwo muujiyay geesinimo, dhabar-adayg, iyo xirfad ciidan oo heer sare ah, kuwaas oo si adag u difaacay deegaanka Sabiid iyo Caanoole una suuragashay in ay fashiliyaan qorshihii Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa caalamiga ah ay sii wadaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo mudnaanta la siinayo xoojinta ammaanka guud ee dalka iyo xoreynta deegaanada ay wali ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada.