Faafaahin: Qarax sababay dhimasho iyo dhawac ayaa goordhaw ka dhacey suuqa Jaadka ama Qaadka ee bartamaha magaalada Baydhabo.
Qaraxa Oo sababay dhimasho iyo dhawac ayaa goordhaw ka dhacey suuqa qaadka lagu iibiyo ee bartamaha Baydhabo.
Dhimashada 3 ruux iyo dhaawaca 7 kale oo shacab ah sida ay xaqiijiyeen Wariyaha warbaahinta Radio Baidoa ee magaalada Baydhabo.
Qaraxa ayaa la dhigay Bartamaha suuqa Qaadka lagu Iibiyo oo aad u mashquul badan waana fal ay ku can tahay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab
Cisbitaalka Guud Ee Gobolka Baay ee Baydhabo ayaa la geeyey Dhaawacyada Dadka uu Qaraxa Saameeyey Halkaasi Oo Xaaladooda Caafimaad lagu Dabiibayo Dhakhaatiirtana ay latacaalayaan.
Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Baay ahna Gudoomiye Kuxigeenka amniga Iyo siyaasada Gobolka Baay Mohamed Jibril iyo Gudoomiyaha maamulka Degmad Baydhabo Hassan macalin Ahmed Biikole iyo Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasad Degmada Baydhabo Isack maxamed ali Taygaab Ayaa si wadajir ah waxa ay u booqdeen Isbitaalka Gobolka Baay oo la geeyey Dadkii Qaraxa maanta wax Ku noqdey.
Gudoomiyasha ayaa Waxay Alle Uga baryeyaan in Dadkii maanta Dhintay Jannatul fardowsa ka Waraabiyo intii dhaawac ahna Alle caafimaad Deg Deg ah Hasiiyo




















