Fanaan Caan ahaa oo ku geeriyoodey Magaalada Muqdisho

Alle ha u naxariistee waxaa Maanta oo Jimco ah Magaalada Muqdisho ku geeriyoodey Fanaan Axmaddeey Abuubakar Mubaarak (Al-Camaari) oo ka mid ahaa hobollada Qaranka Waabari ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu xanuunsanayey,isla markaana xanuunkii uu u geeriyooday Maanta oo Jimce ah.

AUN Al-Camaari waxaa uu ahaa Hobol caan ku ahaa heesaha Banaadiriga waxaa uu ka qeyb qaatay jilitaanka riwaayado badan oo bari samaadkii ay jeclaayeen dadka Soomaaliyeed.