Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho, kulamo ay lahaayeen dhinacyada dowlada Federaalka Soomaaliya ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday.
Labada dhinac ayaa isku mari waayay qodobada kala ah kiiskii Ikraan Tahliil in lagu sameeyo baaritaan madax bannaan oo hey’addaha Cadaaladda u gudubto iyo arrinta Taliyaha NISA.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu diiday labadaas qodob, kuna adkeystay in gorgortan aan laga geli karin, halka Ra’iisul Wasaaruhu uu mowqifkiisa ku taagnaa.
Shalay Duhuradii ayaa Madaxweynayaasha Galmudug Qoorqoor iyo Koonfur Galbeed Laftagareen waxaa ay isku keeneen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo si aad ah uga dooday qodobada ay isku hayaan.














