Feyruska Shiinaha ee dilaaga ah ee Corono oo ku sii faafaya dalal caalamka ah

Feyruska dilaaga ah ee CoronaVirus ee ka dillaacay waddanka Shiinaha ayaa ku sii fidaya dalal badan oo caalamka ah, waxaana illaa iyo hadda dhimashadiisu ay ku dhowdahay 30, halka uu haleelay dad ka badan 850.

Laba bukaan oo xanuunkan qaba ayaa laga helay waddanka Faransiiska, gaar ahaan magaallooyinka Bordeaux iyo Paris, waxaana la dhigay Isbitaallada.

Waddanka Nepal ayaa isna karantiilay qof ay ka heleen Virus-ka Corona.
Laba xaaladood oo la xiriirta cudurkan dilaaga ah ayaa iyagana laga soo weriyay magaallada Chicago ee Mareykanka.

Cudurkan ayaa dhowaan ka dillaacay gobolka Hubei ee Shiinaha, gaar ahaan magaallada Wuhan isagoo usii gudbay magaallooyinka kale.

Shiinaha ayaa isku dayaya inuu xakameeyo cudurkan, waxaana la xiray isu socodka iyo dhammaan goobaha ganacsiga 13 magaallo, iyadoo 13-kaasi magaallana laga xanibay inay diyaaradaha ku safraan.
Dhanka kale waxaa cudurkan laga sheegay dalalka Japan, Thailand iyo Korea, iyadoo hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO ay ku dhawaaqday qaylo dhaan caalami ah iyo in caalamku u tafaxayto ka hor tagga xanuunkan laayaanka ah.