Gabadh yar oo madaxda dunida kala qeyb gashay Shirka QM

Jacinda Ardern Ra’iisul Wasaaraha dalka New Zealand  ayaa taariikh ka dhigtay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ka dib markii  gabadheeda oo  3 bilood jir ah, ay ka qeyb galaysay Shirka.

Waa Markii ugu horreysay Taariikhda ee cunug yar la geeyo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, waxaana ay soo jiidatay Indhaha Caalamka.

Ms Ardern ayaa ciyaarsiineysay gabadheeda yar maalintii isniinta ee shalay, wax yar ka hor inta aysan u soo istaagin khudbadda ay ka jeedisay fadhiga guud ee Qaramada Midoobay.

Waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in daryeelo Caruurta oo hadii Mas’uul la noqdo aan la dayicin, islamarkaana ay ku faanayso in ay markii ugu horreysay ay shirka ka qeyb gasho, iyadoo wata Gabadheeda yar.

Ninka iyada lamaaneheeda ah ee lagu magacaabo Clarke Gayford, oo ula socda si uu ula xannaaneeyo Neve, ayaa dhabta ku sii hayay gabadha yar, intii ay hooyadeed khudbadda jeedineysay.

Jacinda Ardern ayaa ah hogaamiyihii labaad ee ay shacabka doorteen, oo umushay iyadoo wali xilka haysa.

“Runtii Neve mar walba way ila joogtaa marka aan ku suganahay New Zealand,” ayay tiri Ms Ardern, sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaas.

Ra’iisul wasaaraha New Zealand ayaa hadda naaska nuujineysa gabadheeda saddex bilood jirka ah, waxayna taasi kallifeysaa iney ilmahan yar u soo kaxeyso safar caalami ah oo ay ku maqnaaneyso muddo lix maalmood ah.