Gabar Kufsi Iyo Dil Loogu Geystay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Gabar dhalinyaro ah oo fal isugu jiray kufsi iyo dil loogu geystay Xaafad ka tirsan Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, iyadoo falkaas ay geysteen rag dhalinyaro ah.

Falka kufsiga ah ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay Xaafadda Maajo ee Degmada Waaberi, waxaana Gabdha kufsaday dhalinyaro dhowr ah, kuwaasi oo mid kamid ah gabdha markii hore la sheegay inuu balansaday.

Intaas kadib ayaa waxaa gabdha oo lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Faarax laga soo tuuray dabaq Lix biyaano ah, iyadoona durbadii goobta ku geeriyootay, sida ay sheegeen Ehelada Marxuumada