Saxarla Cabdullaahi, waxay ka sharaxan tahay magaalada Addis Ababa, waxeyna u tartameysaa baarlamaanka federaalka Itoobiya, waana gabadha keli ah ee Soomaali ah ee Addis ababa ugga tartameysa baarlamaanka federaalka.
Fa’isa Maxamed Cumar, iyaduna waxay ka sharaxan tahay Addis Ababa, waxay u tartameysaa Golaha Maamulka magaalada Addis Ababa, iyadoo ah gabadhii uggu horeysay oo Soomaali ah oo baarlamaanka magaalada Addis Ababa isu soo sharaxday.
Labadan habloodna waxay matalayaan xisbiga talada haya ee PP ama Barwaaqo. Soomaalida kuma badna iney inta badan iska sharaxaan magaalooyinka waa weyn ee dalka Itoobiya
















