Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha degmada Hobyo Cabdiraxmaan Cali Dbiblaawe ayaa sheegay in markabka ay saaran yihiin 17 Kalluukeysato u dhashay dalalka Shiinaha, indonesia iyo Hindiya.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Markaan kaan Kalluumeeysi ay muddo ku raad joogeen, isla markaana uu dhibaateeyay kala duwan uu u geystay Doonyo ay leeyihiin Kalluumeysato Soomaali ah.
Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha degmada Hobyo Cabdiraxmaan Cali Dbiblaawe waxaa uu sheegay inay sii wadi soonaan howlgalladabka dhanka ah Maraakiibta Shisheeye ee Kalluumeysiga Sharci darrada ah ka wada Xeebaha Gobolka Mudug.
Howlgalkan Markabka ayaa kusoo aadaya xilli Doonyaha Kalluumeysi ay ka cabanayeen Maraakiib Shisheeye oo xaaluf ku haaya Xeebaha Soomaaliuya, kuwaas oo mararka qaar ay kala kulmi jireen dhibaatooyin kala duwan.














