Galmudug oo shaacisay inay ka hortageyso abaabulka ay wadaan hoggaanka Ahlusunna

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Axmed Mire Faafaale ayaa sheegay in cadawga kaliya ee Maamulka Galmudug uu xilligan leeyahay uu yahay Ururka Al-Shabaab, isla markaana aysan aqbaleyn cid kale oo kasoo horjeeda Galmudug.

Waxaa uu sheegay inay jiraan dad markii aad la dagaalameysid cadow dhabarka ka toogtana, waxaana uu sheegay in dadka xilligaan abaabulka dagaal wada ay ka hortagayaan.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Axmed Mire Faafaale waxaa uu sheegay in Ahlusunna ay kasoo horjeedaan horumarka Galmudug, waxaana uu sicad u sheegay in aysan ka aqbaleyn abaabulka ay wadaan.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Axmed Mire Faafaale ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay degaano kuyaal Gobolka Galgaduud ay abaabul dagaal ka wadaan hoggaamiyeyaasha Sar sare ee Ururka Ahlusunna.