Maamulka gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegay in Waxyaabaha sidda Sharci daradda ah loogu iib geyo Gudaha dalka Kenya, islamarkaana laga keeno dalal ay Soomaaliya ay ka mid tahay in dhaqaallaha kasoo baxa lagu taageero Al-Shabaab.
Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya Maxamed Birik, ayaa sheegay shalay oo Jimco aheyd in waxyaabaha sida sharci darada loogu iib geeyo dalka Kenya lagu maal geliyo Al Shabaab.
Waxaa uu sheegay in dowladda Kenya ay waddo qorshe ku aadan in ay xirto goob kaste oo Shabaab ay dhaqaallo ka heli karaan.
Guddoomiyaha ayaa digniin u jeediyay ganacsatada iyo dadka wax dhoofiya inay ka digtoonaadan inay sharci daro ganacsi ku geliyaan dalka Kenya, haddii la qabtana sharciga la waafajin doono.
Maxamed Birik ayaa sheegay Sokorka, saliida cunada lagu kariyo iyo bariis, inay ku qabteen xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo uu sheegay inay sharci daro aheyd.














