Maamulka Degmada Buur Hakaba ayaa dib u bilaabay dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee magaalada, kaasi oo hakad ku jiray tan iyo sanadkii hore.
Garoonkan dhismihiisa dib loo bilaabey ayaa waxaa dhagax dhugey madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana uu door muhiim ah ka qaadan doonaa garoonkan fududeynta howlaha gargaarka degmada iyo deegaanada hoostaga iyo sidoo kale in ay magaalada sameyso hormar dhinaca ganaccsiga ah.
Buur-hakaba waa magaalada ugu tuulooyinka badan ee deegaanada Koonfur Galbeed waxaana ay hoos yimaada in ka badan 100 tuulo.














