Garoonka Diyaaradaha Degmada Berdaale Ee Gobolka Baay oo mudooyinkii u dambeeyey hakad ku jirey howlihiisa Shaqo ayaa maanta dib loo furey,
Wasiirka Gaadiidka Dowlad Goboleedka koonfur Gallbeed iyo xubno katirsan Gollaha Wasiirada Koonfur Galbed ayaa Halkaasi gaarey isla markaana Furay Garoonka Oo Dib u Dayactir lagu sameeyey,
Bishii May ee Sanadkan ayey aheyd markii Shil Diyaaradeed uu Garoonka Diyaaradaha Degmada Berdaale uu ka dhacay,
Wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed ayaa sheegey in wixii maanta ka bilowdo Garoonka ay dib ufureen lana isticmaali karo wixii hada ka Dambeeya.


















