Garoonka diyaaradaha Kabul oo hakad galay kadib markii Taalibaan ay xanibtay internet-ka guud ahaan Afgaanistaan

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul, oo ah kan ugu weyn dalka Afgaanistaan, ayaa si buuxda u hakad galay kadib markii dowladda Taalibaan ay dalka oo dhan kusoo rogtay xanibaad dhanka internet-ka ah. Go’aankan, oo dhaqan galay Isniintii lasoo dhaafay, ayaa sababay jahawareer weyn oo ka jira isgaarsiinta gudaha iyo dibadda Afgaanistaan, iyadoo sidoo kale saameyn ballaaran ku yeeshay adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Inkasta oo Taalibaan aysan weli shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabadan, haddana waxay ku adkeysanayaan in go’aanku sii jiri doono ilaa amar dambe. Xanibaaddan ayaa horseeday dhibaatooyin baahsan, oo ay kamid yihiin hakadka adeegyada bangiyada iyo lacag-bixinta, carqaladeynta waxbarashada dhanka internet-ka ah, iyo hoos u dhac ku yimid isgaarsiinta guud ee shacabka, taas oo si gaar ah u saameysay haweenka iyo gabdhaha ku tiirsan waxbarashada onleenka.

Wararka ka imanaya magaalada Kabul ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha caasimaddu uu ku dhow yahay “cidlo”, sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah dadka deegaanka. Lama hayo wax caddeyn ah oo muujinaya in duulimaadyo caadi ah ay socdaan, iyadoo diyaaradaha intooda badan la sheegay in la joojiyay. Adeegga daba-galka duulimaadyada ee Flightradar24 ayaa muujiyay in duullimaadyadii tirsiga lahaa ee imanayay iyo kuwii bixi lahaa Talaadadii la hakiyay, halka kuwo kale xaaladoodu aanay weli caddayn.

Rakaab qorsheynayay inay ka duulaan garoonka caalamiga ah ee Kabul Talaadadii ayaa loo sheegay in aysan jiri doonin wax duullimaad ah ugu yaraan ilaa Khamiista. Qof kale oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dhammaan duullimaadyadii garoonka laga maamulayay la hakiyay tan iyo fiidnimadii Isniinta.

Inkasta oo nolosha magaalada Kabul ay muuqato mid iska caadi ah, dadka deegaanka ayaa tilmaamay in guud ahaan dalka Afgaanistaan aysan ka jirin wax isgaarsiin ah, taas oo sii kordhisay walaaca iyo hubanti la’aanta ka dhalatay go’aanka cusub ee Taalibaan.