Genaraa Odowaa Oo war kasoo saaray Qaraxii Ismiidaaminta ah ee Biya-cade

Taliska xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax Ismiidaamin oo ka dhacay Saldhig ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Shabeellaha Dhexe.

Qarax Naftii halignimo ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay banaanka hore saldhig ay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin degaanka Biya-cade ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

“Lama soo sheegin wax qasaare dhimasho ah oo soo gaaray Ciidamada Xoogga Dalka ee halkaas ku sugnaa, hasayeeshee waxaa dhaawacyo kasoo gaareen illaa 4 Askari oo kamid ahaa ilaaladii saldhiggasi” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odaywaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Ciidamada oo heytay xogta Qaraxa kuna jiray fiijignaan dheeri ah ay ka hortageen qorshihiii ay soo maleegeen Al-shabaab.

Gen Odaywaa wuxuu intaas raaciyay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca Dalka iyo Diinta ay sii labalaabayaan howlgalada ka dhanka ah Xagjirka Alshabaab ee banneystay in ay xaqdarro ku daadiyaa dhiigga umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.