George Floyd Askarigii dilay oo la xukumey

Ninkii caddaanka ahaa ee horay uga tirsanaa boliska Mareykanka Derek Chauvin ayaa lagu xukumay 22 sannadood ee badh oo xabsi ah dambiyo la xiriira dilkii George Floyd ee bishii May ee sannnadkii hore.

Floyd ayaa geeriyooday ka dib markiii sarkaalka uu jilibka kaga hayay luqunta muddo ka badan 9 daqiiqadood. Mar sii horreeysay Derek Chauvin ayaa qoyska Floyd uga tacsiyeeyay geerida wiilkooda.

Xeer Ilaaliyaha dacwada ayaa codsaday in lagu xukumo Chauvin xabsi soddon sano ah maadaama uu galay saddex dambi.

Dhinaca kale Bannaanka dhismaha ayaa waxay dadka kaga doodayeen in xukunka uu yahay mid u qalma iyo in kale, waxayna dadka qaar ku doodayeen in sannadada lagu xukumay Derek Chauvin ay yar yihiin halka qaarna ay yirahdeen muddada la xukumay iyo dambiga waa ay isu dhigmaan.

Dacwad oogaha ayaa dalbaday in Derek lagu xukumo 30 sannadood oo xabsi ah. Dhanka kale qaeenka qoyska Floyd Ben Camp ayaa xukunka ku tilmamay inuu yahay mid taariikhi ah oo ku aaddan xal u helidda midab takoorka Mareykanka.