Guddi isugu jiray, Odayaal Waxgarad iyo Xubno kale loona xilsaaray xalinta Colaad Beeleedyasii ka dhacay degaannada Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen shirweyne lagu heshiisiinayo labada Beeleed.
Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in shirweynaha lagu qaban doono Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal 23 Bishaan Octoober si loo dhameeyo colaada soo laab laabatay.
Qaar kamid ah Odayaasha iyo waxgaradka ku howlan xal ka gaarista colaada ayaa ugu baaqay dhinacyada ay quseyso inay ilaaliyaan waqtiga loo balamay Shirweynaha si xal buuxa loo gaaro.
labada maleeshiyo Beeleed ee ku dagaalamay degaannada Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye ayaa isku heystay dhul ku yaalla degaannadaas, waxaana horay Xukuumadda Puntland uga soo saartay go’aano la xiriira in laga guuro.
Dagaaladii ka dhacay degaannada Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye ayaa waxaa ku dhintay dad farabadan, iyada oo ugu dambeyn lagu guuleystay in la kala dhexgalo, isla markaana xabadda la joojiyo.














