Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka. Howlgalkaan ayaa lagu bartilmaameedsaday guri ay ku shirayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaasoo ku hawlanaa abaabulka falal amni-darro ku ah shacabka deegaanka. Sida ay sheegtay NISA, howlgalkaas waxaa lagu dilay siddeed xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda. Inkasta oo aan magacyada iyo sawirrada la shaacin, haddana howlgalkaas ayaa lagu tilmaamay mid guul leh oo qeyb ka ah dedaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.
Dhanka kale, Puntland ayaa markale si cad u muujisay walaaca ay ka qabto maamulka dhawaan lagu dhawaaqay ee loogu magacdaray “Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.” Maamulkaasi, oo sheegtay inuu metelo deegaannada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, ayaa wajahaya cambaareyn xooggan oo ka timid madaxda sare ee Puntland. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Maxamed (Qaraaje), ayaa ku tilmaamay maamulkaasi mid sharci-darro ah oo qayb ka ah qorshe siyaasadeed oo lagu kala qeybinaayo shacabka deegaanka. Wuxuu si gaar ah u xusay in gobolka Sanaag uu leeyahay taariikh halgan iyo midnimo, isla markaana aan la aqbali karin in maamul shisheeye oo dusha laga keenay uu maamulo gobolka.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay inay u muuqato mid si dadban u taageeraysa kala qeybsanaanta halkii laga filayay inay noqoto garwadeen mideynta dalka. Waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladda aysan ka dhex muuqan qorshayaal lagu kala qaybinaayo ummadda Soomaaliyeed, balse ay ka dhabeyn lahayd midnimo qaran iyo wadajir bulsho.
Isla xilligaas, Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Cali Firdhiye, ayaa xalay si rasmi ah u saxiixay dastuurka cusub ee maamulkaasi, taasoo calaamad u ah wejigii ugu dambeeyay ee hannaanka sharci dejinta maamulka. Dastuurkan ayaa lagu sheegay mid xoojinaya maamulka gudaha, nidaamka cadaaladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyo horumarka deegaanka. Dastuurka cusub waxa uu qeexayaa qaab-dhismeedka maamulka, awoodaha hay’adaha dowladda, nidaamka doorashooyinka, iyo arrimaha dhaqanka, diinta, xuquuqda haweenka iyo carruurta. Saxiixa dastuurka ayaa loo arkaa mid dhameystiraya dadaallo muddo dheer socday, waxaana shacabka deegaanka ay muujiyeen rajo weyn oo la xiriirta horumar iyo maamul daahfuran.
Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Puntland ayaa bilowday diyaargarow milatari oo xooggan, kaas oo la doonayo in lagu beegsado buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ciidamo qalabaysan oo wata hub kala duwan ayaa la qorsheeyay in si buuxda loogu daadgureeyo deegaankaasi. Ilo-wareedyo amni oo ka tirsan Puntland ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan ciidamada badda ee PMPF loo daabulayo degmada Laasqoray, halkaas oo la filayo in laga furo saldhig milatari oo rasmi ah. Saldhigan ayaa noqon doona kii labaad ee ugu weyn ee ciidamada PMPF ay yeeshaan kadib kan Boosaaso.
Howlgalkan, oo loogu magac daray “ONKOD,” ayaa lagu sheegay in uu yahay mid qorsheysan oo lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Calmadow. Dhanka kale, warar kale ayaa tilmaamaya in dadaallada Puntland ee gobolka Sanaag ay yihiin kuwo looga hortegayo qorshaha Dowladda Federaalka ee ku aaddan maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya. Puntland ayaa u aragta in gobolka Sanaag uu weli ka mid yahay dhulkeeda, sidaa darteedna aysan aqbali doonin cid kale oo sheegata.
Xaaladda gobolka Sanaag ayaa hadda noqotay mid cakiran, iyadoo la saadaalinayo inay sii xumaato haddii aysan jirin xal siyaasadeed oo degdeg ah. Waxaa is-haya saddex dhinac: Puntland oo leh maamulka rasmiga ah, maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo sheeganaya qaybo ka mid ah gobolka, iyo Somaliland oo weli maamusha qeybaha kale ee gobolka Sanaag, isla markaana kasoo saartay digniino la xiriira maamulka cusub ee lagu dhawaaqay magaalada Laasacaanood.
Waxaa muuqata in gobolka Sanaag uu isu beddelay goob loollan siyaasadeed iyo amni, iyadoo shacabka deegaanka ay rajeynayaan in la helo xal mideeya, oo ka fog kala qeybsanaan siyaasadeed iyo hubeysan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si gaar ah loogu baaqay in ay qaadato doorkeeda hoggaamineed, oo ay ka fogaato talaabooyin laga fahmi karo in ay taageerayso mid ka mid ah dhinacyada, si loo ilaaliyo midnimada dalka.














