Gogosha madaxtooyada fidisey oo shuruudo adag lagu xirey.

Madasha Samatabixinta Mucaaradka oo ay ku mideysan yihiin musharrixiinta Madaxweynaha ee mucaaradka ah, ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay gogosha siyaasadeed ee uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madasha ayaa tilmaantay in gogoshaasi ay tahay fursad muhiim u ah xasillinta iyo samatabixinta dalka, balse waxa ay si cad u sheegtay in si wadahadalladaasi ay miro dhal u noqdaan loo baahan yahay in la buuxiyo saddex shardi oo aas-aasi ah:

1️⃣ In la caddeeyo ajandaha iyo qodobada laga hadlayo, si loo helo hufnaan iyo is-aaminaad dhab ah oo u dhexeeya dhinacyada kala duwan.

2️⃣ In gogosha noqoto mid xal waara looga gaarayo khilaafka siyaasadeed ee taagan, halkii ay noqon lahayd kulan kaliya lagu buuxinayo waajibaadyo muuqaal ah.

3️⃣ In gogosha noqoto mid furan oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadeed, mucaarad iyo muxaafidba, si loo xaqiijiyo ka qaybgalka dhammaan dan-wadaagayaasha siyaasadeed ee dalka.

Madasha Samatabixinta Mucaaradka ayaa mar kale adkaysay in ay ka go’an tahay badbaadinta dalka, ilaalinta dowladnimada, iyo horumarka Soomaaliya. Waxa ay si cad u muujisay diyaar garowgeeda ku aaddan ka qaybgalka wadahadal dhab ah oo horseedi kara midnimo qaran, nabad waarta, iyo dowladnimo ku dhisan hufnaan iyo wada-tashi.