Waxaa galabta lagu wadaa in si rasmi ah magaalada Muqdisho uu uga furmo shirkii uu dhawaan ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo diiradda lagu saarayo arrimaha siyaasadda, amniga, iyo mustaqbalka doorashooyinka dalka.
Shirkan ayaa imaanaya xilli ay dalka ka taagan yihiin xaalado siyaasadeed oo cakiran, kuwaas oo salka ku haya muran ka dhashay hannaanka doorashooyinka iyo dib u eegista Dastuurka Kumeelgaarka ah. Waxaa la filayaa in shirku noqdo mid muhiim ah oo lagu xallinayo qodobo ay si weyn isugu hayaan siyaasiyiinta iyo hay’adaha dowladda.
Wufuud kala duwan oo ka kala imaanaya gobollada dalka iyo dibadda ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan shirkan, iyada oo qaban-qaabadii ugu dambeysay si habsami leh uga socoto caasimadda. Warbaahinta gudaha iyo dibadda ayaa lagu wargeliyay in gelinka dambe ee maanta uu si rasmi ah u furmi doono shirku, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya la filayo in uu jeediyo khudbad furitaan oo muhiim ah.
Qodobada ugu waaweyn ee shirkan diiradda lagu saarayo waxaa ka mid ah:
-
Sugidda amniga guud ee dalka,
-
Dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah,
-
Hufnaanta iyo habraaca doorashooyinka la filayo.
Si kastaba, shirka ayaa wajahaya dhaleeceyn xooggan oo uga imaanaysa siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan kuwa ku bahoobay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, kuwaas oo sheegay in shirkan uu yahay mid aan loo dhamayn, isla markaana looga dan leeyahay ujeeddooyin siyaasadeed oo gaar ah.
Waxaa la filayaa in shirka laga soo saaro warmurtiyeed rasmi ah oo muujinaya qodobada laga dooday iyo heshiisyada laga gaaray, iyadoo si weyn isha loogu hayo cidda ka qeybgasha iyo mowqifyada ay wataan.














