Xaflad lagu caleema saarayay gollaha deegaanka Waajid oo halkaas ka dhacday
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna caleema saarayay gollaha deegaanka degmada Waajid ayaa cawada ka dhacday isla degmadaas.
Xafladda oo uu kasoo qaybgalay madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiirka cadaalada Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) xildhibaan qaran Cali Cadow, wasiiro ka tirsan KGS, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed, agaasimaha madaxtooyada Koonfur Galbeed Cabdullaahi Cali Watiin, maamulka gobolka Bakool, kan degmada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Waajid.
Xafladda ayaa sidoo kale waxaa masuuliyiintii iyo shacabkii kasoo qaybgalay madadaaliyay kooxda fanka Koonfur Galbeed ee Jinaawkeey.


























