Golaha shacabka oo ansixiyey gudiga xuquuqul Insaanka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kaddib markii ay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka horgeysay liiska xubnaha guddigaas.

Ansixintan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo dhanka dhismaha hay’adaha madaxa bannaan ee ilaalinta xuquuqda aadanaha, taasoo xoojinaysa hannaanka dimuqraadiyadda iyo isla xisaabtanka dalka.

Dhanka kale, Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Xildhibaannada Golaha Shacabka sida ay si sharaf leh u ansixiyeen xubnaha guddiga.

“Ansixinta xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka waa guul weyn oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, waana taariikh mug leh oo Soomaaliya qortay maanta,” ayey tiri Wasiirka Qoyska.

Dhaarinta iyo ansixinta Guddigan cusub, iyo sidoo kale guushii dhowaan ay Soomaaliya ka gaartay shirkii Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva, ayaa loo arkaa inay qeyb ka yihiin guulaha isdaba joogga ah ee ay Xukuumadda Dan Qaran ka gaartay fagaarayaasha caalamka iyo dadaallada lagu xoojinayo dhismaha hay’adaha dowliga ah.