Maanta ayaa waxaa la filayaa in Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay Magaalada Muqdisho ku yeeshaan kulan aan caadi aheyn, kaas oo ay uga hadli doonaan arrimo dhowr ah.
Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxaa loo diray xalay farriimo lagu wargelinayay inay si buuxda uga soo qeyb galaan Shirka Golaha oo qabsoomaya labada duhurnimo.
Xukuumadda Soomaaliya sirasmi ah uma shaacin waxyaabaha looga hadlayo kulanka Maanta, balse kulankaan ayaa baaqday Maalintii khamiista aheyd ee la soo dhaafay, kaas oo qorshuhu ahaa in Shirka Golaha Wasiirada lagu Magacaabo Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA iyo kuxigeenkiisa, qorshahaas oo loo badinayo in Maanta la fuliyo.
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa todobaad walba khamiistii waxaa ay yeeshaan kulankooda caadiga ah, balse kulamada Maalmaha kale ayaa waxaa ay noqonayaan kuwa aan caadi aheyn oo lagu gaaro go’aano kala duwan.














