Golaha wasiiradda oo kulan yeeshey

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyadoo kulankaas lagu ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Indonesia, kaasi oo lagu saxiixay in laga dhaafo shuruudaha dal-ku-galka dadka sita baasaboorrada diblumaasiga iyo shaqada, si loo fududeeyo isu-socodka labada dal.

Kulanka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixin ay soo diyaariyeen guddiga u xilsaaran xal u helidda saxmadda ka jirta waddooyinka magaalada Muqdisho.

Warbixintaas ayaa iftiimisay caqabadaha sababay saxmadda iyo talooyin la xiriira sidii xal waara looga gaari lahaa dhibaatooyinka saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixino dhanka amniga ah ka dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo ku saabsanaa xaaladda amni ee dalka, hawlgallada dib-u-xoreynta iyo qorsheyaasha xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha argagixisada ah.