Golaha Wasiirrada oo Ka Shiray Amniga Qaranka,iyo qodobo muhiim ah.

Muqdisho – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana kulankaasi si gaar ah diiradda loogu saaray amniga guud ee dalka iyo guulaha la taaban karo ee laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha khawaarijta ah.

Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan:

  • Howlgallada amniga lagu sugayo ee ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo guulo waaweyn ka gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab.

  • Badqabka diyaaradaha ka howlgala gudaha Soomaaliya, iyadoo laga dooday caqabadaha jira iyo xalalka la hiigsanayo, si loo sugo badbaadada shacabka Soomaaliyeed ee ka faa’iideysta adeegyada duulista rayidka.

  • Fulinta siyaasadda jaangoynta darajooyinka iyo mushaaraadka shaqaalaha dowladda, arrin muhiim u ah horumarinta nidaamka maamul iyo dhiirrigelinta waxqabadka shaqaalaha rayidka ah.

Intaa waxaa dheer, Golaha Wasiirrada ayaa go’aamiyay in Mudane Axmed Jaamac Cumar loo dallacsiiyo darajada Safiir, iyada oo la tixgelinayo aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa, iyo dadaalka uu u galay qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay guulaha laga gaaray la dagaallanka kooxaha Al-shabaab, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dowladda ay ka go’an tahay sii wadidda hawlgallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida, iyo dowladnimada Soomaaliya.