Goodax bare ”shahaado xaq umalaha ardada puntalnd ”

Wasiirka wasaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday in ardayda waxkabarata degaanada Puntland in aysan qaadan doonin shahaadaad dugsiyada sare,waxaana uu sheegay wasiir koodax in aysan xaq u lahayn ardaydaasi in ay qaataan shahaadada caddeynta u ah in ay dhammeysteen waxbarashada dugsiga sare.

Arintaan ayuu wasiirku u sababeeyay in maamulka Puntland aysan diyaar u ahayn in ardayda degaanadooda wax ka barata aysan u rabin in ay galaan Imtixaanka ay dowladda dhexe qaadeyso, sidaa darteena aysan wax shahaado ah siin doonini arday aan u fariisan Imtixaanka wasaradda waxbarashada soomaliya.

“Dowlada Federalka ma ahan kuwa diidan in ardayda Puntland helaan shahaado,balse aysan xaq aheyn in Shahaado la siiyo arday aan imtixaan gelin,waxaana uu cadeeyay in marnaba Ardayda Puntland aysan heli doonin Shahaahadada Dowladda.”ayuu yiri Wasiir Goodax.

Horay ayay arrintaan oo akle u dhacaday waxaana jiray in Xildhibaanno iyo Odayaal ka socda maamulka Puntland ay la fariisteen xubno ka tirsan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, waxana la sheegay in ay ka heshiiyeen arinta ku aadanayd ardaydii sanadkii hore ka hartay imtixaanka shaahida ah ee dugsiga sare. Balse waxaa wali muuqata in markale ay arintii hore soo labatay.