Guddiga ayaa sidoo kale waxaa ay shaaciyeen in 27 bisha June ee soo socota ay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil (Xaliima Yarey) hortegi doonto Baarlamaanka si looga dhageysto Warbixinta la xiriirta doorashada Soomaaliya.
Dad u badan Siyaasiyiin ayaa waxaa ay isha ku hayaan warbixinta ay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil (Xaliima Yarey) ka horjeedin doonto Baarlamaanka si ay u shaaciso nooca doorasho ee ka dhaceysa dalka.














