Ka dib markii uu maanta baaqday Shirkii golaha wadatashiga qaran ee lagu waday in uu Muqdisho ka furmo ayaa Madaxda waxay shaacisay xilliga xiga ee uu shirku dhici doono.
Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ayaa si rasmi ah hadii Eebe idmo waxa uu Afisyoone ka furmayaa maalinta Sabtida ee 21ka Ogoosto iyada oo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay ka soo wada gali doonaan.
Magaalada Muqdisho ayaa waxa hadda ku suggan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug , waxana la filayaa Madaxweynayaasha kale ee Puntland iyo Jubbaland in ay Muqdisho soo gaaraan.
Kulanka oo uu shir guddoomin doono R’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa.














