Guddi ka socda QM oo baaraya Xasuuq ka dhacay Gaza.

Guddi ka socda Golaha Xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa bilaabay baaris la xiriirta in xasuus uu ka dhacay Magaalada Gaza 11-kii Cishe uu socday dagaalka duqeynta ah ee Falastiin & Israel.

Xubnaha Guddiga ayaa dabagal ku sameynaya Carruur, Haween, Goobo Waxbarasho & Xeryo ay deegaansanayeen dad rayid ah oo dhimasho iyo dhaawac u geysatay duqeynta Israel maalmihii dagaalka uu socday.

Golaha ammaanka ayaa codeyn geliyay in guddigaan loo xilsaaro soo gudbinta wixii ka dhacay Magaalada Gaza inta lagu guda-jiro maalmaha xabad-joojinta si go’aan mideysan looga qaato wixii ka dhacay Magaaladaas.

Sidoo kale Xubnaha Guddiga ayaa cagta marinaya Gaza, Daanta-Galbeed & Bariga Qudus si ay usoo qiimeeyaan khasaare naf iyo tan maaliyeed ee dhalatay duqeynta xooggeeda ay geysatay Israel.

Ku dhawaad 300 oo ruux oo falastiiniyiin ah oo ay qayb ka yihiin Haween & Carruur ayaa ku dhimatay duqeynta Israel, halka dhanka Yuhuudda ay sheegteen in ay ka geeriyoodeen ku dhawaad 20-ruux oo mid kamid ah uu u dhashay Hindiya.