Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Koofur Galbeed ee SEIT Yuusuf C/qaadir Baafo ayaa sheegay in guddiga FEIT aanu xaq u laheyn inuu joojiyo doorashada kursiga HOP103.
Waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha FEIT wax sharciyad u heysan ee uu kursigaas ku joojiyo, waxaana uu caddeeyay in kursigaas doorashadiisa maainta berri ay qaban doonaan.
Waxaa uu sheegay in aysan qaadan doonin awaamiirka Guddiga doorashooyinka heer Federaal, islamarkaana ay leeyihiin doorashada, taasoo meesha ka saaraysa guddiga doorashooyinka heer Federaal.
Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa hakiyay doorashada kursigii dhawaan loo diiday in uu tartamo Gudoomiyihii hore ee golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
War kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in cabasho xoogan ay ka timid qabashada kursigaasi, islamarkaana la hakiyay ilaa inta laga helaayo xal buuxa.














