Guddiga Farsamada ee ka baaraan-dega doorashooyinka oo Muqdisho looga yeeray

Xukuumadda Federaalka ayaa caasimada Muqdisho ku casuuntay dhammaan xubanaha guddiga Farsamada ee ka baaraan-dega Talooyinka la xariira Hanaanka iyo Habsami u socodka Doorashooyinka dalka dhamaantood, kuwaas oo ka kooban 16 xubnood.

5ta bishan ayaa loo qabtay in ay dhammaan xubnaha iskugu yimaadan magaalada Muqdisho, loo bilaabo wada xaajoodyada guddiga Farsamada,Kahor shirka 15ka August ee ka dhici doona magaalada DhuusaMarreeb.