Guddiga loo xilsaaray dhacdadii Xabsiga Dhexe oo baaris bilaabay

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa kulan la qaatay guddiga loo magaacay inay baaris dhammeystiran ku sameeyaan shaqaaqadii maalin kahor ka dhacday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidi baaris dhab ah loogu sameyn lahaa dhacdadii ka dhacday Maalin ka hor Gudaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho, taas oo geysatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Guddoomiyaha Guddiga oo ka kooban lix Xubnood ahna siihayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji​ ayaa sheegay in kulanka intii uu socday ay kala qaateen jadwalkii lagu Shaqeyn lahaa sidoo kale ay Magacaabeen Guddi farsamo oo arrinta baarista ka Shaqeyn doona.

Waxaa uu sheegay in Xubnaha Guddiga uu sirasmi ah uga Shaqa bilaabay arrimaha la xiriira baaritaanka dagaalkii ka dhex dhacay Gudaha xabsiga Dhexe,isla markaana baaritaankooda muddo 10 maalmood Gudahood ah ay kusoo geba-gabeyn doonaan.

Dagaalkii ka dhacay Gudaha xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa qaatay muddo ka badan laba Saacadood,waxaana Taliska Ciidanka Asluubta ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid dhex-maray Maxaabiis u xirnaa Al-Shabaabnimo iyo Ciidamada ilaalada Xabsiga,isla markaana dagaalkaas ay ku dhinteen 15 Ruux.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Xubnaha Guddiga oo ka kooban lix Xubnood.

1- Mudane Xasan Xuseen Xaaji​ Wasiirka Cadaaladda​ Guddoomiye
2- Dr. Sulaymaan Max’ed Max’ud​ Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka​ Xubin
3- S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed​Taliyaha Ciidanka Booliska​ Xubin
4- S/Guuto Mahad C/raxmaan Aadan​Taliyaha Ciidanka Asluubta​ Xubin
5- S/Guuto C/llaahi Buulle Kameey​Xeer-ilaaliyaha Guud ee
Maxkamadda Ciidamada​ Xubin
6- G/Sare Guuleed Sh. Xuseen Aadan​ Taliyaha Hoggaanka Baarista
Dambiyada (C.I.D.)​Xubin