Guddiga sare ee la socodka doorashooyinka Soomaaliya oo tababar loogu qabtay Garowe

Guddiga kor joogtayn doona Doorashooyinka Guud ee Soomaliya ayaa maanta Tababar looga qabtay Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Guddigan oo ka kooban 20 xubnood oo kala yimid dhammaan Gobolada Soomaaliya iyo Puntland waxa looga faa,iidaysan doona Doorashada Federalka iyo mida inaagusoo food leh ee sadexda degmo ee Puntland.

Hayada Bulshada Rayidkaa Puntland PUNSAA ayaa daah furtay tababarka Guddiga sare ee lascodka doorashada Soomaaliya iyo mida Puntlan, kuwaas oo maanta tababar uga furmay magalada Garowe,

Waxaa tababarka qeyb ka ah dhammaan Bulshada rayidka ee Soomaaliya oo dhan.