Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleedka Jubbaland oo kulan yeeshay

Waxaa Magaalada Kismayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose kulan ku yeeshay Xubnaha Wafdiga Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgalinta doorashooyinka heer Faderaal Maxamed Xasan Cirro iyo xubnaha Guddigiisa ayaa kala hadlay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland arrimaha doorashooyinka heer Jubbaland, iyaga oo iska xog-wareystay xaalada dalka iyo doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka heer Faderaal & kuwa Dowlad Goboledka Jubbaland ayaa isla qaatay in la dardargaliyo howlaha doorashooyinka oo si weyn ay indhaha ugu hayaan bulshada Soomaaliyeed iyo aduunka oo dhan.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa isku diyaarinaya in uu noqdo maamul Goboledkii ugu horreeyay ee bilaaba qabashada doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo diyaar garoow xoogan uu ka socdo magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.