Guddoomiyaha Baarlamanka oo farriin adag u diray Xukuumadda Cusub

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xilligaan Xukuumadda Cusub ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen rooble laga doonayo doorasho loo wada dhan yahay.

Waxaa uu sheegayGuddoomiye Mursal inay muhiim tahay in sanadka 2021 dalka laga qabto doorasho si nabadgelyo ah ku dhacda, hadii ay dadaalkaas bixiyaan Xukuumadda Cusub ee Ra’iisul Wasaare rooble.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu mar walba diyaar u ahaa in la qabto doorasho la wada ogol yahay, hayeeshee wada-hadallo dhowr ah oo dhacay, kaddib la isku raacay in la qabto doorasho dad badan.