Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi, oo dhowaan xilka la wareegay, ayaa qaaday tallaabo siyaasadeed oo muhiim ah, isagoo si rasmi ah u magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaas. Go’aankan ayaa ah mid lagu dardar-gelinayo geeddi-socodka dhismaha hannaanka maamulka sare ee gobolka.
Guddigan cusub ayaa ka kooban todobo xildhibaan, kuwaas oo si gaar ah loogu xilsaaray qabashada, habaynta iyo kormeerka doorashada madaxda maamulka, si ay u dhacdo si hufan, nabad ah, oo waafaqsan shuruucda u degsan maamulka.
Xubnaha guddiga la magacaabay waa kuwa hoos ku qoran:
-
Xildhibaan Axmed Keyse Cabdi Shire
-
Xildhibaan Cabdi Ismaaciil Axmed
-
Xildhibaan C/kariin Cali Yuusuf
-
Xildhibaan Siciid Dalmar Faarax
-
Xildhibaan Maxammed Maxamuud Cali
-
Xildhibaan Guuleed Maxammed Nuux
-
Xildhibaan Axmed Cali Xuseen
Magacaabista xubnahan ayaa timid iyadoo uu maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya ku jiro marxalad kala guur ah, oo loogu gogol xaarayo doorashooyin madax bannaan oo lagu soo xulo hoggaan cusub oo sharciyad rasmi ah heysta.
Tallaabadan ay qaaday hoggaanka Baarlamaanka ayaa lagu tilmaamay mid istaraatiiji ah oo qeyb weyn ka qaadan doonta xasilloonida siyaasadeed iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee heer gobol. Doorashadan ayaa la filayaa in la qabto waqti dhow, iyadoo qorshayaasheeda iyo hab-raacyadeeda si dhaw loola socon doono.














