Guddoomiyaha G/Shabeellaha Hoose oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Gobolkaas

Guddoomiyaha Gobolka shabeellaha hoose Cabduqaadir Sheikh Maxamed Nuur (Sidii) ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay deegaanada Sabiib iyo caanoole ku dileen in ka badan tobon ka mid ah Al-shabaab oo saakay weerar kusoo qaaday fariisomo ay ciidanka xooga dalka ku lahaayeen halkaasi.

“Saakay aroornimadii hore gaar ahaan waqtigii la dukanayay salaada subax ay kooxda Al-shabaab kusoo qaadeen weera deegaanka sabiib iyo canoole waxaana iska caabiyay ciidanka xoogga dalka ee ku sugnaa deegaanka.

Guddoomiye sidii waxa uu sheegay in ciimada qarabka ay fashiliyeen isla markaana ay gadiid ka qabsadeen, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada qalabka sida uusan soo gaareen qasaare balse ay labo askari ka dhaawacmeen.

Guddoomiyaha Gobolka shabeellaha Hoose Cabduqaadir Sheekh Maxamed Nuur (Sidiid) waxaa kaloo hadalkiisa ku daray inaysan Al-Shabaab awood u laheyn inay ka hor yimaadaan ciidanka xoogga dalka balse si dhuumaaleysi ah ay shacabka ku dhibaateeyaan.