Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay wafdi ka socda ALECSO si loo xoojiyo barashada iyo adeegsiga Luuqadda Carabiga

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Laanta Waxbarashada, Dhaqanka iyo Sayniska ee Ururka Jaamacadda Carabta (ALECSO), kuwaas oo u joogay caasimadda Soomaaliya qabashada aqoon-isweydaarsi heer sare ah oo lagu horumarinayo barashada iyo adeegsiga Luuqadda Carabiga.

Wafdigan ka socday ALECSO oo ka koobnaa saddex xubnood ayaa waxaa hoggaaminayay Mudane Zayd Al-sabbaan, Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta, waxaana ku wehliyay Dr. Raami Zaki Iskandar, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada ee ALECSO, iyo Dr. Cali Cabdalla Al-naciim, Agaasimaha Machadka Caalamiga ah ee Afka Carabiga ee Khartuum oo hoos taga ALECSO.

Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo dhaqanka, gaar ahaan barashada iyo fidinta Afka Carabiga, oo ah afka labaad ee rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marka laga reebo afka hooyo ee Af-Soomaaliga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Muungaab, ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda iyo kaalinta firfircoon ee ay ka qaadanayaan horumarinta waxbarashada. Waxa uu xusay in maamulka gobolka iyo dowladda hoose ee Muqdisho ay ka go’an tahay inay taageeraan dedaallada lagu dhiirrigelinayo jiilka cusub, si ay si qoto dheer u bartaan afafka rasmiga ah ee dalka.

Dhanka kale, wafdiga ALECSO ayaa sharraxay ujeedka safarkooda Muqdisho, oo salka ku haya qabashada aqoon-isweydaarsi heer sare ah oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo barashada Luuqadda Carabiga, isla markaana lagu xoojinayo xiriirka waxbarasho ee Soomaaliya iyo waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in iskaashigan uu leeyahay muhiimad weyn, maadaama uu kaalin ku leeyahay dib-u-soo celinta kaalintii Soomaaliya ee gobolka, xoojinta waxbarashada iyo kobcinta dhaqanka Soomaaliyeed oo ku dhisan xiriir taariikhi ah oo qoto dheer oo ka dhexeeya shacabka Soomaaliyeed iyo dalalka Carabta.