Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafkaadka doorashooyinka Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyada oo halkaasi siwyen loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga oo ka kooban 5 Xubnood ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland Dr Siyaad Maxamed Mursal iyo xubno ka tirsan Guddiga.
Xubnaha Guddiga xalinta khilafaadka doorashada Soomaaliya ayaa goob joog u noqon doona doorashada xubnaha Aqalka sare ee dalka ee lagu wado in ay maalinta barito ah ka qabsoonto Magaalada Kismaayo.
Afhayeenka guddiga xalinta Khilaafaadka doorashada ayaa sheegay in ku dadaali doonaan inay si cadaalad ah u xaliyan khilaaf kasta oo kasoo laabta doorashooyinka dhacaya ee labada Aqal.
Waxaa uu hadalkiisa uu intasi ku daray in Xubnaha guddiga ay goobjoog ka noqon doonaan Goobaha ay ka dhacayaan doorashada, isla markaana, iyaga oo raacaya shuruucda ay soo saareen Golaha wadatashiga Qarankaay xalin doonaan khilaafka yimada.
Waxaa uu ku baaqay In lagu dadaalo in dalka laga qabto doorasho xor iyo xalaal ah, basle aysan dhicin doorasho la kala jiita, isaga oo sidoo kale ku baaqay in lala Shaqeeyo gudiyada doorashooyinka iyo Ciidamada Amniga.
Qabashada doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ayaa dhawaan ka bilaabaneysa dalka, iyada oo ay socdaan diyaar garowgiii ugu dambeeyay, waxaana Maamulka Jubbaland uu noqon doonaa Maamulka ugu horreeya ee qabta doorashada Aqalka Sare.














